|
Laas Qorey,(insidesomalia.org)- Wararka ka imaanaya Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaaga ayaa sheegaya in Degmaadaasi ay manta ay isku hor fadhiyaaan Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Somaliland.
Labada Maamul ayaa si aad ah isugu khilaafsan Degmada Laas-qoray oo hada ay isku hor fadhiyaan, mana jiraan wax dagaal ah oo ilaa iyo hadda ka dhax qarxay labad Ciidan ee ishor fadhiya.
Xurgufta siyaasadeed iyo Dhul isku haysashada ka dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ayaa noqotay baryihii ugu danbeeyey mid si aad ah u soo baxaysay.
Shacabka Gobolka Sanaag ee Maamulka Puntland ayaa ka cabsi qaba dagaal waqti kasta la filan karo, kaasi oo dhexmara Ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Maamulka Puntland ayaa labo maalin ka hor sheegay in ay muhiim tahay sidii gacantood ay ugu soo celin lahaayeen Magaalooyin ay ugu horayso Laascaano oo hada ay ka taliso Somaliland.
Dhinace kale Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Degmada Calmadaw oo dad Ajaanib ah afduub loogu haysto ay gaareen Ciidamo katirsan Maamulka Somaliland, kuwaasi oo halkaasi ka samaynaya hawgalo Miletiri.
Colaada ka dhaxaysa Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa noqotay mid isa soo taraysay, waxaana Colaaddani ay keeni karaysaa Dagaal cawaaqibtiisa aan fiicneyn oo dhaxmara labada Maamul.
|